HomeWararMadaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga dardagelinta Doorashooyinka Puntland

Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga dardagelinta Doorashooyinka Puntland

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Wareegto Lr. 02, 13-ka Oktoober 2022, kuna saabsan Magacaabidda Guddiga Dardagelinta doorashooyinka Puntland. Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Saciid Deni ayaa ka kooban 11-xubnood oo u badan xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada, waxaana Guddoomiye looga dhigay Guddiga Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxe. Habeen […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Wareegto Lr. 02, 13-ka Oktoober 2022, kuna saabsan Magacaabidda Guddiga Dardagelinta doorashooyinka Puntland.

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Saciid Deni ayaa ka kooban 11-xubnood oo u badan xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada, waxaana Guddoomiye looga dhigay Guddiga Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxe.

- Advertisement -

Habeen hore ayey aheyd markii Madaxweynaha Puntland uu kulan la qaatay Ururada Siyaasadda Puntland iyo Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, kulanka ayaa ahaa is xogwareysi iyo dardargelinta Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Saciid Deni ayaa ku dhawaaqay in Maamulka taageero dhaqaale la garab istaagayso Ururada Siyaasadda, Maamulkaayaa $10,000 howlgelinta koowaad siinaysa Ururkasta Iyadoo inta howsha Doorashada iyo ololaha socdona bil kasta Ururkasta lasiinayo $3,000 oo joogto ah.

Hoos ka Akhriso magacyada xubnaha Guddiga ee la magacaabay

- Advertisement -

1- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda  Guddoomiyeye.

2- Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Xubin.

3- Wasiirka Maaliyadda Xubin.

4- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta  Xubin.

5- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta  Xubin.

6-Wasiirka Warfaafinta  Xubin

7- Wasiirka Haweenka  Xubin

8- Wasiirka Waxbarashadda  Xubin

9- Wasiirka Caafimaadka  Xubin

10- Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada  Xubin

11 – Madaxtooyada  Xoghayn

Guddigaan ayaa waxay u xilsaaran yihiin dardargelinta Doorashooyinka Punltland iyo fududaynta tasiilaadka looga baahan yahay.

Latest stories