HomeWararKooxo hubeysan oo dil ka geysatay xaafad ka tirsan Muqdisho & faah...

Kooxo hubeysan oo dil ka geysatay xaafad ka tirsan Muqdisho & faah faahin la helay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay xaafad ka tirsan gudaha degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska dowladda. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in Askariga Booliska ahaa la toogtay, xilli uu kusoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii cishaha […]

- Advertisement -

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay xaafad ka tirsan gudaha degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska dowladda.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in Askariga Booliska ahaa la toogtay, xilli uu kusoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii cishaha ee xalay, wuxuuna si gaar ah dalkiisa uga dhacay waaxda koowaad ee Jeneraal Liiq-liiqato ee degmada Kaxda.

- Advertisement -

Askariga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Yaasiin Jalaf, isla markaana waxaa goobta ka baxsaday kooxihii ka dambeeyay dilka khaarijinta ahaa oo tiradooda lagu sheegay inay ahaayeen saddex ruux oo dhallinyaro oo watay Bastoolado.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa durbadii sida caadada aheyd gaaray goobta uu falka ka dhacay, kana qaaday Meydka Askariga la dilay, mana jirto cid illaa iyo had loo qabtay falkaas ka dhacay magaalada Muqdisho.

Falal amni darro sida dalal qorsheysan iyo weeraro ayaa mararka qaarkood ka dhaca gudaha agaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana inta badan falalkaas mas’uuliyadooda sheegta oo dusha u rita dagaalamayaasha Al-shabaab.

Latest stories