HomeWararKhasaaro ka dhashay Gaari saarnaayeen Dad shacab ah oo lagu qarxiyey duleedka...

Khasaaro ka dhashay Gaari saarnaayeen Dad shacab ah oo lagu qarxiyey duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ka dhacay wadada dheer ee xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye gaar ahaan agagaarka deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa uu qabsaday gaari nooca dadweynaha raacaan ee Hoomeyda, isla markaana ay saarnaayeen dad […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ka dhacay wadada dheer ee xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye gaar ahaan agagaarka deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa uu qabsaday gaari nooca dadweynaha raacaan ee Hoomeyda, isla markaana ay saarnaayeen dad shacab ah, wuxuuna gaariga qaraxu qabsaday, xilli uu marayey deegaanka Xaawa Cabdi.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyey 8 ruux oo shacab ahaa ayaa ku dhinta qaraxa, halka dad kalena oo saarnaa gaariga ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo durbadii loola soo cararay Isbitaalo ku yaalla magaalada, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.

Dad goobta ka agdhawaa ayaa gurmad deg deg ah u sameeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxa khasaaraha dhaliyey, sidoo kalena waxaa burburay gaariga uu qaraxu qabsaday ee Hoomeyda ahaa, sida ay muujinayeen Sawirro laga qaaday goobta.

Illaa iyo hadda lama oga Lama in qaraxa lala damacsanaa gaariga uu qabsaday iyo inuu bartilmaameedka meel kale ahaa, iyadoo wadadaas ay inta badan isticmaalaan Ciidamadda dowladda Federaalka iyo kuwa midowga Afrika ee ATMIS.

Latest stories