HomeWararAl-shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay Lix Ruux (Akhriso magacyada)

Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay Lix Ruux (Akhriso magacyada)

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay goob fagaare ah oo ku taalla degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe ku toogteen lix Nin oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen sirdoonka dowladda Mareykanka. Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu geeysay goobta uu xukunka dilka toogashada ahaa ka dhacaayay, si ay u daawadaan dilka lagu fuliyey […]

- Advertisement -

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay goob fagaare ah oo ku taalla degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe ku toogteen lix Nin oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen sirdoonka dowladda Mareykanka.

Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu geeysay goobta uu xukunka dilka toogashada ahaa ka dhacaayay, si ay u daawadaan dilka lagu fuliyey ragga Shabaabka ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka oo basaas u ahaayeen.

- Advertisement -

Ragga la toogtay ayaa waxaa Al-shabaab ay magacyadooda ku kala sheegeen C/Salaan Ibraahim Maxamed oo loo yaqaanno (Shaalle), da’diisuna aheyd 38 jir, Xasan Maxamed Aadan oo loo yaqaanno (Mustaf), da’diisuna aheyd 33 jir, C/laahi C/raxmaan Ibraahim oo loo yaqaanno (Dalmar), kaasi oo isna da’diisa aheyd 27 jir.

Sidoo kale ragga lagu dilay degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa ku jiray C/Qaadir Maxamed Sheekhey Cali oo loo yaqaanno (Buule), oo 29 jir ahaa, Xasan Cali Xaaji C/raxmaan, oo 43 jir aha aiyo C/Qaadir Xuseen Cabdi (Gobal), oo 22 jir ahaa.

Si kastaba, Al-shabaab ayaa marar kala duwan oo  horey sidaan oo kale waxaa ay xukuno dilal toogasho ah ugu fulisay rag ay ku eedeeyeen inay u shaqeynayeen sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka.

Latest stories