HomeWararDagaalamaayasha Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday degaanka Yasooman

Dagaalamaayasha Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday degaanka Yasooman

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciddanka Macawisleyda oo isku dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka socda qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, sida ay ku warramayaan wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolkaasi. Dagaalka ayaa ka socda degaanka Yasooman, waxaana lasoo sheegayaa inuu yahay dagaal aad u culus oo […]

- Advertisement -

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciddanka Macawisleyda oo isku dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka socda qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, sida ay ku warramayaan wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ka socda degaanka Yasooman, waxaana lasoo sheegayaa inuu yahay dagaal aad u culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo.

- Advertisement -

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in aroornimadii hore ee saakay ay weerar xooggan ku ekeeyeen degaanka Yasooman, waxaana sidoo kale dagaallo culus ay ka dhaceen degaanno kale oo u dhaw isla degaanka hadda lagu dagaalamayo ee yasooman.

Wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaro xooggan oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana adag in la ogaado khasaaraha rasmiga ah maaddaama wali dagaalku socdo.

Degaanka Yasooman waxaa uu ka mid ahaa degaanadii dhawan dib ay ula wareegeen Ciidanka Macawisleyda oo kaashanaya Ciidanka Xoogga dalka.

- Advertisement -

 

Latest stories