HomeWararWasiir fiqi oo UNHCR Hordhigay Qorshaha iyo Ballanqaadyada Arrimaha Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Wasiir fiqi oo UNHCR Hordhigay Qorshaha iyo Ballanqaadyada Arrimaha Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa waxaa uu magaalada Geneva, ee dalkaasi Switzerland uga qeyb galay Kalfadhiga 73-aad ee guddiga fulinta ee Hey’adda Qaxootiga Adduunka. Kulanka oo ay Wasiir Fiqi ku wehlisay ka qeybgalkiisa Amb. Ebyan Maxamed Saalax oo ah safiirka soomaaliya ee dalka Switzerland ayaa khudbad dhinacyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa waxaa uu magaalada Geneva, ee dalkaasi Switzerland uga qeyb galay Kalfadhiga 73-aad ee guddiga fulinta ee Hey’adda Qaxootiga Adduunka.

Kulanka oo ay Wasiir Fiqi ku wehlisay ka qeybgalkiisa Amb. Ebyan Maxamed Saalax oo ah safiirka soomaaliya ee dalka Switzerland ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu wasiir Fiqi ka jeediyey kulanka waxaa uu hey’adda iyo beesha caalamkaba uga mahadcelinaya dadaallada ay ku taageeraan Soomaaliya ee sidii xalwaara loogu heli lahaa kuwa dhibaateysan iyo qaxootiga.

- Advertisement -

Wasiir Axmed Macallim Fiqi waxaa uu guddiga hordhigay xaaladda guud ee dalka, isaga oo sheegay in August 31, 2022 wixii ka dambeeyey uu taagnaa walaaca dowladda federaalka iyo hey’adda qaxootiga adduunkaba ee ah dhibaato saameysay dad gaaraya ilaa 3.1 milyan, oo isugu jira barakacayaal, kuwa dalka dib ugu soo noqday, qaar magangaliyodoon ah iyo qaxootiba.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay saxiixeyaasha baaqii Nairobi ee 2017kii oo qorshe, xal waara iyo wadashaqeyn wax ku ool ah IGAD lagala shaqeynayo sidii loo xalwaara oo horumar ah looga gaari lahaa qaxootiga gobolka, oo ay ku jiraan in la abuuro xaalado ay dib ugu noqon karaan”.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa uu khudbaddiisa ku faahfaahiyey sida dowladda federaalka ah uga go’antahay meelmarinta shuruuc kala duwan sida diyaarinta socota ee sharciga qaxootiga iyo midka barakacayaasha, istaraatiijiyadda qaran ee xalwaara (2020-2024) ee loogu talo-galay wax ka qabashada arrimaha qaxootiga, barakacayaasha iyo kuwa soo laabta, istaraatiijiyad la xiriirta xal u helidda dadka jinsiyad la’aanta wajahaya iyo istaraatiijiyadda hey’adda qaxootiga ee diiwaangelinta iyo barakacayaasha, taasi oo wax badan ka qaban doonta ilaalinta xuquuqda dadkaasi, iyada oo Muqdisho keliya ay joogaan ilaa 90,000, iyada oo uu socdo qorshe ay dowladda kusoo rareyso dadka dhibaatada aadka ah qaba.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu guddiga hortiisa ka sameeyey ballanqaad, kaas oo ilaa saddex qodob ahaa.

1- Ansixinta Shuruucda Maxaliga iyo dowliga ah sida in ay dowladda federaalka ah ay ballanqaadeyso dhagangelinta xeerka qaxootiga December 31, 2022 iyo xeerka barakacayaasha Soomaaliya December 2023 iyo qorshe howleedka lagu soo afjarayo dowlad la’aanta ee heshiiska dowlad la’aanta ee 1954 iyo 1961 ilaa December 31, 2023.

2- Hirgelinta qorshaha qaran ee xalka waara ee 2020-2024, oo si buuxda ula jaanqaada heshiiska caalamiga ah ee qaxootiga, fududeynta howlaha qaxootiga si ikhtiyaar ah dib ugu laabta dalka, waxaa ay dowladda dalbaneysaa in si xilwaara looga gaaro barakicinta ay beesha caalamka taageerto istiraatiijiyadda qaran ee xalka waara.

3- In la xoojiyo dadaaladda nabadda, xasillinta iyo dib u heshiisiinta, iyo in dowladda cusub ay ka go’antahay arrimaha amniga, dib usoo celinta sharciga iyo kala dambeynta, iyo dib u habeyn la xiriirta xagga siyaasadda iyo midda dhaqan, dhaqaale ee dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts