HomeWararTaliyaha cusub ee Booliska Gobolka Banaadir oo Goor dhow la magacaabay

Taliyaha cusub ee Booliska Gobolka Banaadir oo Goor dhow la magacaabay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaadda u magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa lagu magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin oo hadda ahaa Taliyihii Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka dowlad Goboleedka Galmudug. Taliyaha […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaadda u magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa lagu magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin oo hadda ahaa Taliyihii Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka dowlad Goboleedka Galmudug.

- Advertisement -

Taliyaha cusub ee Mahdi Cumar ayaa bedeli doona Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole oo lagu dilay qarax lagula beegsaday deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba, Taliye Mahdi Cumar ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ugu horreysay wax ka qabashada amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo xiliyada qarkood ka dhacaan falal amni darro.

Latest stories