HomeWararTaliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo goordhaw la Magacaabayo kadib Geeridii farxaan Qaroole

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo goordhaw la Magacaabayo kadib Geeridii farxaan Qaroole

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Saacadaha soo aaddan ayaa la filayaa in la Magacaabo Taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Xilkaasi oo horay u hayay Taliyihii dhawaan la dilay Farxaan Maxmuud Aaadan Farxaan Qaroole. Warar hoose oo aynu helnay ayaa tilmaamaya in goordhaw si rasmi ah loo soo saari doono magacaabista Taliyaha Cusub, kaasi oo hadda ay socoto diyaar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saacadaha soo aaddan ayaa la filayaa in la Magacaabo Taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Xilkaasi oo horay u hayay Taliyihii dhawaan la dilay Farxaan Maxmuud Aaadan Farxaan Qaroole.

Warar hoose oo aynu helnay ayaa tilmaamaya in goordhaw si rasmi ah loo soo saari doono magacaabista Taliyaha Cusub, kaasi oo hadda ay socoto diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu shaacinayo Taliyaha Cusub.

- Advertisement -

Taliyaha Cusub ee la magacaabayo ayaa sida aynu xog ku helnay waxaa lagu Magacaabaa Mahdi Cumar Muumin, kaasi oo horay u ahaan jiray Taliyihii Nabad Sugidda Galmduug.

Taliyaha Cusub ee dhawaan la shaacin doono ayaa xogo hoose waxaa ay sheegayaan in uu isku qaban doono labadii xil ee horay uu u hayay Farxaan Qaroole, ee kala ahaa Taliyaha Qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Haramcad.

Wararka aynu helnay ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in hadda ay socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu magacaaabayo Taliyaha Cusub.

- Advertisement -

Xilka Taliyaha Qaybta guud ee Boooliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa hayay Alle ha u naxariistee Taliye Farxaan Qaroole oo dhawaan Al-Shabaab ay qarax ku dileen, kadib markii qarax uu ku haleelay degaanka Basra ee Gobolka SHabeellaha dhexe.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts