HomeWararSarkaal sare oo ku baaqay in Maraykanku uu joojiyo iskaashiga uu la...

Sarkaal sare oo ku baaqay in Maraykanku uu joojiyo iskaashiga uu la leeyahay Sucuudiga

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Debedda ee Golaha Senateka Maraykanka, Robert Menendez ayaa ku baaqay in la hakiyo dhammaan iskaashiga Maraykanku uu la leeyahay dalka Sucuudiga, isaga oo si adag u muujinayey, sida Maraykanku uu uga cadhooday tallaabadii uu Sucuudigu qaaday, ee fursadda dhaqaale siinaysay dalka Ruushka. Bayaan uu soo saaray Senator Menendez ayuu ku baaqay inaan […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Debedda ee Golaha Senateka Maraykanka, Robert Menendez ayaa ku baaqay in la hakiyo dhammaan iskaashiga Maraykanku uu la leeyahay dalka Sucuudiga, isaga oo si adag u muujinayey, sida Maraykanku uu uga cadhooday tallaabadii uu Sucuudigu qaaday, ee fursadda dhaqaale siinaysay dalka Ruushka.

Bayaan uu soo saaray Senator Menendez ayuu ku baaqay inaan wax hub ah laga iibin dalka Sucuudiga, isla markaana in la joojiyo iskaashiga amni ee ka dhexeeya labada dal, marka laga reebo arrimaha lagama maarmaanka u ah danaha Maraykanka iyo difaaca amniga qaranka. Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa in ka badan 70 sannadood ah waxaa ka dhexeeya iskaashi dhinaca amniga ah iyo weliba heshiis dhinaca ganacsiga hubka ah.

- Advertisement -

Guddoomiyaha guddida arrimaha debedda ee golaha Senate-ka Menendez, ayaa ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, waxaana laga soo doortaa gobolka New Jersey. Wuxuu wacad ku maray “inaanu taageeri doonin nooc kasta oo ah, iskaashi lala yeesho Riyadh, illaa inta uu Sucuudigu dib uga qiimaynayo mowqifkooda ku saabsan dagaalka Ukrine” wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey “intaas ayaa nagu filan”

Latest stories