HomeWararMadaxweyne Lafta-gareen oo si Deg-deg ah uga hadlay dilka Guddoomiyihii Qoryooley

Madaxweyne Lafta-gareen oo si Deg-deg ah uga hadlay dilka Guddoomiyihii Qoryooley

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Degmada Qoryooley Siid Cali Ibraahim Xasan oo ku geeriyooday Qarax ay Al-shabaab kula beegsatay Degmada Qoryooleey. Madaxweyne Laftagareen ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Degmada Qoryooley Siid Cali Ibraahim Xasan oo ku geeriyooday Qarax ay Al-shabaab kula beegsatay Degmada Qoryooleey.

Madaxweyne Laftagareen ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, laguna Xasuusto doorkii uu ku lahaa Nabadaynta Bulshada Degmada Qoryooley iyo sida uga go’nayd inuu u adeego Shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan  Alle ha u naxariistee marxuum Siid Cali Ibraahim Xasan Qaraabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku Timid Marxuumka.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftafareen ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lagu dilay Gudoomiyihii Degmada Qoryooley Siid Cali Ibraahim Xasan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana la qarxiyey xilli uu Maanta ku sugnaa gudaha Degmada ee Maamulka ka ahaa.

Latest stories