HomeWararFaah faahin: Guddoomiyihii Degmada Qoryooley oo Qarax miino lagu dilay

Faah faahin: Guddoomiyihii Degmada Qoryooley oo Qarax miino lagu dilay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Guddoomiyihii degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Saciid Ibraahim Xasan ayaa goor dhow qarax miino nooca dhulka lagu aaso waxaa lagula eegtay gudaha degmadaas. Qaraxa ayaa waxaa lagu dilay Guddoomiyihii degmada Qoryooley Saciid Ibraahim Xasan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, qaraxa ayaa waxaa uu […]

- Advertisement -

Guddoomiyihii degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Saciid Ibraahim Xasan ayaa goor dhow qarax miino nooca dhulka lagu aaso waxaa lagula eegtay gudaha degmadaas.

Qaraxa ayaa waxaa lagu dilay Guddoomiyihii degmada Qoryooley Saciid Ibraahim Xasan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, qaraxa ayaa waxaa uu qabsaday gaari uu saarnaa Guddoomiyaha.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada ayaa si deg deg u tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Saciid Ibraahim.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo kan Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadal qaraxa, Al-shabaab ayaa inta badan sheegata mas’uuliyada qaraxyada noocaan oo kale ee lagu dilo mas’uuliyiinta, dhowr jeer oo horey ayaa qaraxyo lagu dilay Guddoomiyeyaal degmo ka tirsanaa Gobolka.

Latest stories