HomeWararAL-Shabaab iyo Ciidanka Dowladda oo ku dagaalamay Gobolka Hiraan

AL-Shabaab iyo Ciidanka Dowladda oo ku dagaalamay Gobolka Hiraan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa ku dagaallamay deegaanno ka tirsan Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaal socday in ka badan 10 saacadood ayaa dhex-maray labada dhinac, waxaana si gaar ah uu dagaalku uga dhacay degeen u dhaw magaalada Buulo-burde, waxaana si gaar ah uu uga dhacay Degaanka […]

- Advertisement -

Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa ku dagaallamay deegaanno ka tirsan Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaal socday in ka badan 10 saacadood ayaa dhex-maray labada dhinac, waxaana si gaar ah uu dagaalku uga dhacay degeen u dhaw magaalada Buulo-burde, waxaana si gaar ah uu uga dhacay Degaanka Jicibow.

- Advertisement -

Khasaare kala duwan oo dhimasdho iyo dhaawac leh ayaaa ka dhashay dagaalka oo saacado badan qaatay, waxaana la sheegay in Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda ay ku dhinteend agaalkaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

Guddoomiyaha degmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan oo Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Al-Shabaab la dagaalamayay ay dhinteen, waxaana sidoo kale dhaawacmay afar kale.

Dhanka Al-Shabaab lama oga-khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi lagu gaarsiiyay, inkastoo Saraakiisha Ciidanka ay soo sheegayaan inay khasaaro lixaadleh gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ay sheegeen in ay ku go’doomiyeen degaanka Jicibow.

- Advertisement -

Wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA,ayaa baahisay in fariisamadii Al-shabaab halkaa ku lahaayen ay ciidamadu la wareegeen, waxaana intaas ay ku dareen in dagaalkaasi khasaare badan uu ka dhashay.

Gobolka Hiiraan waxaa uu ka mid yahay meelaha maalmihii la soo dhaafay ay ka socdeen dagaalladii ugu cuslaa ee u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa macawislayda oo is garabsanaya iyo Al-shabaab

Latest stories