HomeWararMadaxweyne Geelle oo War kasoo saaray Weerarkii lagu laayay Askartii Jabuuti

Madaxweyne Geelle oo War kasoo saaray Weerarkii lagu laayay Askartii Jabuuti

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Weerar lagu dilay 7 kamid ah Askarta Ciidanka Jabuuti ayaa ka dhacay Saldhiga Ciidanka ee Garabtiisan ee waqooyiga dalka yar ee ku yaalla Geeska Afrika, kaasi oo ay fuliyeen kooxo hubeysan, sida lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda Jabuuti. Wasaaradda Gaashaadhigga Jabuuti ayaa sheegtay in weerarka looga dilay 7 Askari, afar kalena looga dhaawacay, isla […]

- Advertisement -

Weerar lagu dilay 7 kamid ah Askarta Ciidanka Jabuuti ayaa ka dhacay Saldhiga Ciidanka ee Garabtiisan ee waqooyiga dalka yar ee ku yaalla Geeska Afrika, kaasi oo ay fuliyeen kooxo hubeysan, sida lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda Jabuuti.

Wasaaradda Gaashaadhigga Jabuuti ayaa sheegtay in weerarka looga dilay 7 Askari, afar kalena looga dhaawacay, isla markaana weli la la’yahay 6 Askari oo kamid ahaa Ciidanka Jabuuti oo ku sugnaa gudaha Saldhiga, xilligii uu weerarka dhacaayay.

- Advertisement -

Dhinaca kale Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay weerarka lagu dilay Askartooda, ee dhacay Saldhiga Ciidanka ee Garabtiisan ee waqooyiga dalka yar ee ku yaalla Geeska Afrika.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay inay ka xun yihiin weerarka lagu laayay Askarta ka tirsaneyd Ciidanka dowladda Jabuuti, wuxuuna tilmaamay in dowladdu ay sharciga horkeeni doonto kooxda weerarka qaaday.

Jabuuti oo ku taalla mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan dunida ee ay badda cas ku kulmaan gacanka Cadan, ayaa martigelisa saldhigga kaliya ee Maraykanku ku leeyahay Afrika iyo saldhigga ugu weyn ee ciidamada Faransiiska uu ku leeyahay caalamka.

Latest stories