HomeWararMadaale iyo Safiirka Itoobiya oo ka shiray qorshaha Arrin laga hirgelinayo Muqdisho

Madaale iyo Safiirka Itoobiya oo ka shiray qorshaha Arrin laga hirgelinayo Muqdisho

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Amb. Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo ugu yimid Duqa Muqdisho salaan sharafeed asigoona ugu Hambalyeeyay in mar labaad uu Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Amb.

Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo ugu yimid Duqa Muqdisho salaan sharafeed asigoona ugu Hambalyeeyay in mar labaad uu Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Danjire Cabdifataax iyo Guddoomiyaha Gobolka oo kulan dheer wada qaatay ayaa waxaa ay ka wada hadleen qodobo inta badan diirada saarayay horumarinta xiriirka ku dhisan wax wada qabsiga, iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha isbadalka Cimilada iyo Deegaanka.

Qorshaha Dowladda Ethiopia ee ah Gaarsiinta Barnaamijka Dhireynta (Cagaareynta) wadamada Dariska, taasi oo Caasimada Muqdisho dhawaan laga hirgelin doonno, si isbadalka Cimilada iyo Deegaanka wax loogu qabto.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa uga mahadnaqay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya taageeridda dowladiisa ee arrimaha Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixiyaan dhinacyada iskaashiga horumarka iyo wax ka qabashada cimilada.

- Advertisement -

Waxa uuna sheegay Guddoomiyaha in dhawaan Magaalada Muqdisho laga bilaabi doonno qorshaha Barnaamijka Dhireynta ee Magaalo Cagaaran.

Latest stories