HomeWararFaah faahin: Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda...

Faah faahin: Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda Hiiraan

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, Ciidanka deegaanka ee loo yaqaano macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa deegaan duleedka ah degmada Buulo-burte ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka deegaanka iyo kuwa Ciidanka dowladda ay […]

- Advertisement -

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, Ciidanka deegaanka ee loo yaqaano macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa deegaan duleedka ah degmada Buulo-burte ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka deegaanka iyo kuwa Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Jiciboow oo dhinaca Kuufur ka xigo Buulo-burte ee Hiiraan.

- Advertisement -

Waxaa la maqlayaa dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayaan dhinacyada dagaalamaya, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan inuu jiro khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada soo kala gaaray.

Ma cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas, isla markaana waxaa weli socda dagaalka, dadka deegaanka ayaa soo weriyey in xaalad kacsanaan ah ay jirto deegaanka Jiciboow oo dhinaca Kuufur ka xigo Magaalada Buulo-burte ee Hiiraan.

Si kastaba, muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ka socday dagaalo khasaaro aad u badan dhaliyey, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda, Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda ah iyo Al-shabaab.

Latest stories