HomeWararWiil dhallinyaro ah oo maalinii labaad ku jira God laga qodo Dahabka...

Wiil dhallinyaro ah oo maalinii labaad ku jira God laga qodo Dahabka oo kusoo dumay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Waxaa maalinti labaad socda godka laga qodayey dahabka oo ku yaalla Gobolka Sanaag, oo kusoo dumay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Siciid Cali, kaasi oo ku xanniban godka hoostiisa, sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka Milxo. Dadka gurmadka u sameeynaya wiilka godka hoostiisa ku jira ayaa gaaray salka hoose, halka uu ku […]

- Advertisement -

Waxaa maalinti labaad socda godka laga qodayey dahabka oo ku yaalla Gobolka Sanaag, oo kusoo dumay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Siciid Cali, kaasi oo ku xanniban godka hoostiisa, sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka Milxo.

Dadka gurmadka u sameeynaya wiilka godka hoostiisa ku jira ayaa gaaray salka hoose, halka uu ku jiro wiilku, balse dhagaxaan waa weyn ayaa ku xanniban taasi oo qaadan karta saacado in laga faydo lagana soo saaro.

- Advertisement -

God kale oo u dhow kan uu ku jiro Maxamed Saciid ayaa sidoo kale laga wadaa baariraan, qodista godadka ayaana u socota si taxadar leh, maadaama oo laga cabsi qabo in wiilka dhibaato gaarto ama samata-bixiyaashaba.

Mid ka mid ah dadka deegaanku ayaa tilmaamay in uu u muuqdo qalabkii uu wax ku qodayey Maxamed-yare, ayna rejaynayaan in ilaa duhurnimada maanta ay soo saaraan raq iyo ruux.

Deegaanka Milxo oo ka tirsan degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaaag ayaa ah halka ugu weyn ee laga qodo macdanta kala duwan, iyadoo godadkana loo sameeyo si filiqsan oo nidaam lahayn, taasi oo keentey in tiroba dhowr mar ay dad ku dumeen kuna le’daan.

Latest stories