HomeWararFaah faahin: Qarax khasaaro dhaliyey oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Puntland

Faah faahin: Qarax khasaaro dhaliyey oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Puntland

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka Ciidamo ka tirsan kuwa Ciidanka PMPF ee Maamulka Puntland waxaa lagula eegtay deegaanka sugurre ee Buuralayda Gobalka Bari, waxaana qaraxa laga helayaa faah faahino dheeraad ah. Qaraxa oo miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday mid kamid ah kolonyo ay wateen Ciidanka PMPF, xilli ay howlgal ka […]

- Advertisement -

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka Ciidamo ka tirsan kuwa Ciidanka PMPF ee Maamulka Puntland waxaa lagula eegtay deegaanka sugurre ee Buuralayda Gobalka Bari, waxaana qaraxa laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa oo miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday mid kamid ah kolonyo ay wateen Ciidanka PMPF, xilli ay howlgal ka wadeen agagaarka deegaanka sugurre ee Buuralayda Gobalka Bari, miinada ayaana qabsatay gaariga oo ay saarneyd Askar.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyey 4 Askari oo kamid ah Ciidanka PMPF ayaa ku dhintay qaraxa, halka 6 kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo durbadii la geeyay Isbitaal ay leeyihiin Ciidamada, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada ammaanka Puntland.

Weli faah faahin kama aysan bixin Saraakiisha Ciidamada PMPF qaraxa khasaarah dhaliyey ee ka dhacay deegaanka sugurre ee Buuralayda Gobalka Bari, halkaas oo Ciidanka ka wadeen howlgalo amniga lagu xaqiijinayey.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan dhulka buuraleyda ah ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ku sugan dagaalyahano ka kala tirsan Al-shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo mararka qaarkood dagaal la gala Ciidanka Puntland, sidoo kalena geysta weeraro.

Latest stories