HomeWararDowladda Soomaaliya oo soo saaray Amar ka dhan ah Baahinta Wararka Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya oo soo saaray Amar ka dhan ah Baahinta Wararka Al-shabaab

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah soo saartay amar ka dhan ah  baahinta wararka la xiriira dagaalamayaasha Al-shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala. Wasiir Alcadaala oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in la mamnuucay baahinta wararka Al-shabaab, isla markaana wuxuu tilmaamay in nuuc […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah soo saartay amar ka dhan ah  baahinta wararka la xiriira dagaalamayaasha Al-shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala.

Wasiir Alcadaala oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in la mamnuucay baahinta wararka Al-shabaab, isla markaana wuxuu tilmaamay in nuuc kasta oo war la xiriira Shabaab ee la baahiyo uu yahay fal dembiyeed, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Alcadaala ayaa xusay warbaahin kasta  ama goob kasta oo lagu baahiyo Warka Al-shabaab ay dowladda Federaalka u tahay bartilmaameed, ayna dembi tahay faafinta wararkaas.

“Waxaa la mamnuucay baahinta Wararka Al-shabaab, talaabooyin ayay qaadday dowladda waxana la beegsan doonaa Warbaahin kasta ama shaqsi kasta oo lagu helo faafinta farriinta Kooxdaas” ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Gaba-gabadii Wasiirka ayaa sheegay in dowladda xirtay 46 barro dhanka Internet-ka oo ay Al-shabaab u adeegsaneysay faafinta wararkooda, wuxuuna intaas kusii daray hadalkiisa Wasiirka inay ku ku dabajirnaa in la xiro baro kale oo ay Website-yo ku jiraan.

Latest stories