HomeWararQaramada Midoobay oo Baaq Deg-deg la xiriira Somalia u dirtay Beesha Caalamka

Qaramada Midoobay oo Baaq Deg-deg la xiriira Somalia u dirtay Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxa Bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa ugu baaqay Beesha caalamka inay si degdeg ah gargaar u gaarsiiyaan dadka Soomaaliyeed. Martin Griffiths oo la hadlay shabakadda Al-jaseera ayaa codsaday in loo baahan yahay kaalmo lacag hal bilyan oo  doolar ah oo bilaha soo socda lagu taakuleeyo dadka ku barakacay abaaraha ee gudaha Soomaaliya Qaramada […]

- Advertisement -

Madaxa Bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa ugu baaqay Beesha caalamka inay si degdeg ah gargaar u gaarsiiyaan dadka Soomaaliyeed.

Martin Griffiths oo la hadlay shabakadda Al-jaseera ayaa codsaday in loo baahan yahay kaalmo lacag hal bilyan oo  doolar ah oo bilaha soo socda lagu taakuleeyo dadka ku barakacay abaaraha ee gudaha Soomaaliya

- Advertisement -

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan hal milyan oo qof lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda iyagoo raadinaya cunto iyo gargaar tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii hore.

Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay in hey’adaha samofalka ay dowladda Soomaaliya gacan ku siiyaan dadaalka ay ugu jiraan wax uqabashada dadka ku barakacay abaaraha ee ka jira gobolada dalka.

Qaranka Soomaaliya ayaa haatan wajahaya abaartii ugu xumayd muddo tobanaan sano ah,ka dib sanado badan oo abaaro isxigxiga oo aan horay looga baran dalka. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 345 milyan oo qof ay wajahayaan gaajo adduunka oo dhan.

Latest stories