HomeWararYoweri Museveni oo raali galin ka bixiyay hadal kasoo yeeray Wiilkiisa

Yoweri Museveni oo raali galin ka bixiyay hadal kasoo yeeray Wiilkiisa

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa raalligelin guud ka siiyay Kenya, isaga oo cafis ku aaddan haddallo uu Twitteka soo dhigay wiilkiisa Kainerugaba Muhoozi weydiistay Kenya, hadalkaas oo uu Muhoozi si kaftan ah ugu sheegay inuu duullaan muddoo kooban ah ku qabsanayo Kenya. Hase yeeshee, Museveni waxa uu wiilkiisa u dallacsiiyay General buuxa, kadib markii laga […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa raalligelin guud ka siiyay Kenya, isaga oo cafis ku aaddan haddallo uu Twitteka soo dhigay wiilkiisa Kainerugaba Muhoozi weydiistay Kenya, hadalkaas oo uu Muhoozi si kaftan ah ugu sheegay inuu duullaan muddoo kooban ah ku qabsanayo Kenya.

Hase yeeshee, Museveni waxa uu wiilkiisa u dallacsiiyay General buuxa, kadib markii laga qaaday xilka Taliyaha Ciidanka Dhulka, isagoo sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo wax ku ool ah oo uu sameeyay Muhoozi.

- Advertisement -

War qoraal ah oo uu soo saaray madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa raalligelin ka bixiyay wax uu ku tilmaamay faragelinta walaalahooda Kenya.

“Waxaan ka codsanayaa walaalaheen Kenya inay naga cafiyaan qoraallada uu soo diray Jeneraal Muhoozi, taliyihii hore ee ciidamada dhulka ee Uganda, ee ku saabsanaa arrimaha doorashada dalkaas weyn,” ayuu Musevni ku yiri bayaan uu soo saaray.

Waxa uu wiilka Museveni, Muhoozi, bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ciidamada dhulka ee dalkiisa ay ku qabsan karaan magaalada Nairobi laba toddobaad gudahood, hadalkaas oo ka caraysiiyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Uganda iyo dad badan oo Kenyan ah.

Latest stories