HomeWararMW Xasan Sheekh oo guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Dagaalka...

MW Xasan Sheekh oo guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Dagaalka socda

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasilinta deegaannada laga xoreynayo Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasilinta deegaannada laga xoreynayo Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab, iyadoo dowladdu ay gurmad degdeg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha lala wareegay, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada in ay mudnaanta koowaad siiyaan la-dagaallanka Shabaab, waa sida uu halka u dhigay Xasan Sheekh, “Wasaaradaha oo dhan waa inay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas socda iyo xoreynta deegaannada ay haystaan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay uga garab taagan yihiin Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan Alshabaab iyo in dagaal joogto uu socdo.

Latest stories