HomeWararMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Maanta gaaray Baladweyne & kulamo bilaabanaya

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Maanta gaaray Baladweyne & kulamo bilaabanaya

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Calai Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha e Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay  Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar  Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Masuuliin kale. Madaxweynaha ayaa sheegay in bulshada Magaalada Beledweyne uu la qeybsanayo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Calai Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha e Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay  Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar  Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Masuuliin kale.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sheegay in bulshada Magaalada Beledweyne uu la qeybsanayo dhibaatada iyo xanuunka kasoo gaaray qaraxyadii dhowaan ka dhacay Magaalada, isagoo u mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo door muuqa ka qaadatay caawinta dadka ku waxyeelabay weeraradaas ay geysteen.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Magalaada Beledweyne waxa uu kulamo  kala duwan oo looga hadlayo amniga la qaadan doonaa laamaha amniga Magaalada Beledweyne.

Magaalada Baladweyne gaar ahaan xerada lamagaalay ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana qaraxyada ku dhintay in ka badan 30 qof, halka 40 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Latest stories