HomeWararSawirro: Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo sheegay in la fashiliyey Qaraxyo lagu aasay...

Sawirro: Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo sheegay in la fashiliyey Qaraxyo lagu aasay waddo

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay qaraxyo miinooyin oo lagu aasay inta u dhexeeysa deegaanada muuri iyo Lambar 50 ee ka tirsan Gobolka, kuwaasi oo la sheegay in la fashiliyey. Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax oo Qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in qaraxyo miinooyin ah lagu aasay […]

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay qaraxyo miinooyin oo lagu aasay inta u dhexeeysa deegaanada muuri iyo Lambar 50 ee ka tirsan Gobolka, kuwaasi oo la sheegay in la fashiliyey.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax oo Qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in qaraxyo miinooyin ah lagu aasay wadada u dhexeeysa muuri iyo Lambar 50 , isla markaana la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka halkaas ku safra.

- Advertisement -

Wuxuu Guddoomiye Najax tilmaamay in qaraxayada ay fashiliyeen Ciidanka deegaanka ee loo yaqaano macwiisleyda, isagoona Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ku eedeeyay inay qaraxyada geliyeen wadada Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada deegaanka KM 50 ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa fashilayay miino ay Al-Shabaab Ku aaseen inta u dhexeysa muuri iyo Lambar 50.  Ciidamada deegaanka oo kaashanaya maamulka gobolka iyo Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa ku jira hawlgallo joogto ah” ayuu yiri Guddoomiye Ibraahim Najax.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa u mahadceliyay shacabka Gobolka oo markasta muujiya digtooni dheeraad ah, isla markaana wada shaqeyn dhow la leh mas’uuliyiinta ammaanka si looga hortago falalka amni darro.

- Advertisement -

Latest stories