HomeWararJabhadda TPLF oo ku dhawaaqday inay aqbashay wadahadal ay la gasho Itoobiya

Jabhadda TPLF oo ku dhawaaqday inay aqbashay wadahadal ay la gasho Itoobiya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Jabhadda Xoreynta Tigray ee TPLF ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in madaxda Tirgay ay aqbaleen martiqaadka wadahadallada nabadeed ee uu ku baaqay Midowga Africa. TPLF ayaa waxay waydiisteen Midowga Africa in la caddeeyo cidda lagu martiqaaday wadahadalladan, ka qaybgalayaasha, kormeerayaal iyo cidda dammaanad qaadi doonta, wixii kasoo baxa wadahadalladan. Dowladda […]

- Advertisement -

Jabhadda Xoreynta Tigray ee TPLF ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in madaxda Tirgay ay aqbaleen martiqaadka wadahadallada nabadeed ee uu ku baaqay Midowga Africa.

TPLF ayaa waxay waydiisteen Midowga Africa in la caddeeyo cidda lagu martiqaaday wadahadalladan, ka qaybgalayaasha, kormeerayaal iyo cidda dammaanad qaadi doonta, wixii kasoo baxa wadahadalladan.

- Advertisement -

Dowladda Itoobiya ayaa shalay dhinaceeda sheegtay inay si shuruud la’aan ah ku aqbashay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika ee Itoobiya iyo TPLF, sida uu shaaciyay la-taliyaha Amniga Qaranka Redwan Hussein.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo xoogaga Tigreega ee iska soo horjeeda inay wadahadal nabadeed ku yeeshaan waddanka Koonfur Afrika dhammaadka toddobaadkan, kaas ujeeddadu tahay in lagu soo afjaro colaadda laba sano jirsatay, sida lagu sheegay warqad ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Warqaddan ayaa lagu sheegay in Olusegun Obasanjo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika uu hoggaamin doono wadaxaajoodka isagoo taageero ka helaya madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka.

Latest stories