HomeWararGolaha Wasiirada Puntland oo la horgeeyay qorshe 37 Degmo looga qabanayo Doorasho

Golaha Wasiirada Puntland oo la horgeeyay qorshe 37 Degmo looga qabanayo Doorasho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, waxaana ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, soo gudbinta degmooyinka ay ka dhacayso Doorashada Hal qof iyo Hal cod ee Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Ansixinta wax ka bedelka Xeerka howlgabka iyo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, waxaana ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, soo gudbinta degmooyinka ay ka dhacayso Doorashada Hal qof iyo Hal cod ee Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Ansixinta wax ka bedelka Xeerka howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah, Tababarada Shaqaalaha, xaaladaha Roobabka Dalka ka curtay iyo qodobo kale.

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Juxa, ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay soojeedinta Degmooyinka laga qabanayo wejiga labaad ee Doorashada Hal qof iyo Hal cod ee Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Wasaaradda ayaa soo gudbisay 9-ka Gobol ee Puntland iyo degmooyinka laga qabanayo Doorashada iyadoo wadarta degmooyinku ay yihiin 37degmo oo isugu jira Heerarka (A, B iyo C) kuwaasi oo buuxiyey shuruudaha iyo habraaca xulashada degmooyinka Doorashadu ka dhacayso.

Soojeedinta degmooyinka Doorashadu ka dhacayso iyo soodimaha degmooyinka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa Goluhu isla qaatay in loo gudbiyo Guddiga KMG Ah ee Doorashooyinka Puntland TPEC.

- Advertisement -

Kulanka Golaha Wasiirada waxaa maanta lagu ansixiyey wax ka bedelka Xeerka howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Madaxweynaha Puntland ayaa boggaadiyay muhiimada Xeerkan wuxuuna Sidoo kale Golaha faray in Wasaaraduhu si weyn uga faa’ideystaan Tababarada Shaqaalaha oo hadda ka socda Machadka Tababarada Shaqaalaha xaruntiisa Garoowe.

Latest stories