HomeWararFaah faahin: Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Laascaanood

Faah faahin: Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Laascaanood

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Faah faahino dheeraad ayaa laga helayaa weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana weerarkaas lagu qaaday Askar ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland oo ku sugnaa halkaas. Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa lagu tuuray maqaayad ay fadhiyeen dhowr Askari oo kamid ah Booliska […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ayaa laga helayaa weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana weerarkaas lagu qaaday Askar ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland oo ku sugnaa halkaas.

Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa lagu tuuray maqaayad ay fadhiyeen dhowr Askari oo kamid ah Booliska Somaliland ee Laascaanood,  sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dad shacab ah goobta ka agdhawaa.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyey hal Askari oo Boolis ah ayaa ku dhintay weerarka, halka tirro kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo durbadii loo qaaday Isbitaal, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo, kooxihii ka dambeeyay weerarka ayaa baxsaday.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa horey uga dhacay falal amni darro oo isugu jiray dilal qorsheysan oo loo geystay mas’uuliyiin iyo Askar ka tirsan Ciidanka Somaliland, sidoo kalena waxaa halkaas ka dhacay weeraro khasaaro dhaliyey.

Latest stories