HomeWararGuluf dagaal oo dhan ah AL-Shabaab oo ka socda Gobolka Shabeellaha dhexe

Guluf dagaal oo dhan ah AL-Shabaab oo ka socda Gobolka Shabeellaha dhexe

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Abaabul xooggan oo ka dhan ah dagaalka Al-shabaab ayaa ka socda Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana saacadiihii lasoo dhaafay degaanada Gobolkaasi gaaray Ciidamo aad u farabad oo loo diyaariyay gulufka dagaal eek a dhanka ah Al-Shabaab. Diyaargarow aad u sarreeya ayaa laga dareemayaa degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaasi, waxaa degmooyinka Raagaceelle, Aaadan Yabaal, Cadale iyo […]

- Advertisement -

Abaabul xooggan oo ka dhan ah dagaalka Al-shabaab ayaa ka socda Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana saacadiihii lasoo dhaafay degaanada Gobolkaasi gaaray Ciidamo aad u farabad oo loo diyaariyay gulufka dagaal eek a dhanka ah Al-Shabaab.

Diyaargarow aad u sarreeya ayaa laga dareemayaa degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaasi, waxaa degmooyinka Raagaceelle, Aaadan Yabaal, Cadale iyo degaanno kale waxaa lagu arkayaa Ciidankii ugu badnaa oo saacadihii ugu dambeeyay lagu daabulay Gobolkaasi.

- Advertisement -

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladdaa dhexe ayaa qayb ka ah diyaargarowga dagaalka, waxaana Muqdisho ka bixitimay Saraakiil, Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay ku jiraan Xildhibaanno, kuwaasi oo hor kacaya gulufka dagaal ee looga dhawaaqay Gobolka Shabeellaha dhexe, oo degaanno badan ay ka haystaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Si waliba waxaa Gobolkaasi saaka si weyn looga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xooggan oo ay wadaan Bulshada Gobolka iyo Ciidanka Dowladda, waxaana dhawaanahaan socday abaabul ku aaddan sidii Gobolkaasi uu kaga billaaban lahaayeen howgallo Culus oo ku aaddan dagaalada AL-Shabaab.

Latest stories