HomeWararBeelo in ka badan 40 sano ku dagaallamayay Galmudug oo heshiiyay

Beelo in ka badan 40 sano ku dagaallamayay Galmudug oo heshiiyay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa heshiis nabadeed lagu dhexdhigay laba beelood oo muddo tobannaan sanadood ah ku dagaallamayay deegaanno ay wada-dagaan oo ka tirsan maamulka Galmudug. Waxgaradka labada beelood waxay isku-afgarteen in la soo afjaro colaadda mudada dheer u dhaxaysay, waxaana ay ugu dambayntii kala saxiixdeen dhowr qodob oo ay ku heshiiyeen. Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, […]

- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb waxaa heshiis nabadeed lagu dhexdhigay laba beelood oo muddo tobannaan sanadood ah ku dagaallamayay deegaanno ay wada-dagaan oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Waxgaradka labada beelood waxay isku-afgarteen in la soo afjaro colaadda mudada dheer u dhaxaysay, waxaana ay ugu dambayntii kala saxiixdeen dhowr qodob oo ay ku heshiiyeen.

- Advertisement -

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in muddo 12 cisho kadib ay u suurtogashay inay heshiisiiyaan beelo 40 sano ka badan ku dagaallaamayay halkaas.

“Galmudug waxaa ka dhacay heshiis taariikhi ah oo dhexmaray beelo oo in ka badan 40 sano ku dagaallamayay gobolka Galgaduud dhibaato badan iyo khasaare badan ay soo kala gaartay”

Goobta uu heshiiska ka dhacay waxaa joogay madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid.

Latest stories