HomeWararNin Soomaali oo dhagxaan ku tuuray Gaari ay wateen Booliska Mareykanka oo...

Nin Soomaali oo dhagxaan ku tuuray Gaari ay wateen Booliska Mareykanka oo la dilay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Nin Soomaali ah oo dhagaxaan ku tuuray baabuur ay wateen ciidamada Booliska magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa waxaa toogasho ku dilay Ciidanka Booliska ahaa ee watay gaariga uu dhagaxa ku tuuray . Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cali Cismaan ayaa 34-sanno jir ahaa, kuna doonaa magaalada Phoenix ee Mareykanka, waxaana Booliska […]

- Advertisement -

Nin Soomaali ah oo dhagaxaan ku tuuray baabuur ay wateen ciidamada Booliska magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa waxaa toogasho ku dilay Ciidanka Booliska ahaa ee watay gaariga uu dhagaxa ku tuuray .

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cali Cismaan ayaa 34-sanno jir ahaa, kuna doonaa magaalada Phoenix ee Mareykanka, waxaana Booliska magaaladaas ay sheegeen in Cali uu dhagxaan ku tuuray baabuur ay wateen Ciidamada Booliska maalintii Axadda aheyd.

- Advertisement -

Saraakiisha Booliska ayaa laga soo xigtay in inta aysan Cali toogan kahor ka dalbadeen inuu joojiyo dhagxaan uu ku tuurayo gaadiida ay wataan Booliska iyo kuwa dadka shacab ah, balse Cali ayaa diiday amarka Booliska, kadiba toogasho ayey ku dileen.

Askariga toogtay Cali Cismaan ayaa la sheegay in uu dhowr xabadood ku dhuftay, kaddibna Cali oo dhaawac halis ah oo aad u xun uu gaaray ayaa  loo qaaday oo loola cararay isbitaalka, halkaasi oo uu ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Qoyska Marxuunka Cali ayaa warbaahinta u sheegay in uu Allaha u naxariisto ee Cali uu la tacaalayay xanuunka dhimirka. Qoyska Cali Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in uusan lahayn wax dambi ah.

- Advertisement -

Dhanka kale, dilkan toogashadda ah ayaa ka careysiiyey  bulshadda Soomiyeed iyo qaar kamid ah Jaaliyaddaha kala duwan ee ku dhaqan magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

Latest stories