HomeWararNabaddoon caan ka ahaa G/Hiiraan oo ku dhintay Dagaalkii Maanta ka dhacay...

Nabaddoon caan ka ahaa G/Hiiraan oo ku dhintay Dagaalkii Maanta ka dhacay Ceel-qooxle

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu Maanta deegaanka Ceel-qooxle oo 40-KM dhanka bariga ka xiga deegaanka Moqokori ee Gobalka Hiiraan ku dhexmaray Ciidanka dowladda, Ciidanka deegaanka ee macwiileyda ah iyo Al-shabaab. Wararka aan heleyno ayaa waxaa uu sheegayaan in dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dambeeyay, kadib markii […]

- Advertisement -

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu Maanta deegaanka Ceel-qooxle oo 40-KM dhanka bariga ka xiga deegaanka Moqokori ee Gobalka Hiiraan ku dhexmaray Ciidanka dowladda, Ciidanka deegaanka ee macwiileyda ah iyo Al-shabaab.

Wararka aan heleyno ayaa waxaa uu sheegayaan in dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhiga Ciidanka deegaanka ku lahaayeen Ceel-qooxle.

- Advertisement -

Dagaalka ayaa waxaa dadka ku dhintay ku jira mid kamid ah Nabaddoonada ugu caansanaa Gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cilmi Hagar Guure, isla markaana qeyb ka ahaa Nabaddoono todobaadyadii lasoo dhaafay dagaal kula jiray Al-shabaab.

Tacsida loo dirayo Nabaddoonka geeriyooday ayaa hareeysay baraha Bulshada, weli lama oga khasaaraha kale ee ka dhashay dagaalkii xooganaa ee saaka ka dhacaay deegaanka Ceel-qooxle oo 40-KM dhanka bariga ka xiga deegaanka Moqokori.

Ciidanka dowladda Federaalka ayaa maalmo kahor Al-shabaab kala wareegay deegaanka Moqokori oo ay muddo ku sugnaayeen, waxaana warbaahinta dowladda ay sheegtay in howlgal ka dhacay Moqokori lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab.

- Advertisement -

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Galgaduud, iyo Mudug ee maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa ka socda howlgalo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay.

Latest stories