HomeCaalamkaMareykanka oo muwaadiniintiisa ku Amray inay Deg-deg uga baxaan Ruushka & sababta

Mareykanka oo muwaadiniintiisa ku Amray inay Deg-deg uga baxaan Ruushka & sababta

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa Arbacadii, qoraal ay soo saartay waxay walaac xooggan kaga muujisay in dadka Maraykanka ah ee haysta dhalashada dalka Ruushka, in Moscow u isticmaasho inay ka caawiyaan dagaalka ay ka waddo dalka Ukraine. “Ruushka waxaa laga yaabaa inuu diido inuu aqoonsado dadka Ruushka ah ee haysta dhalashada labaad ee Maraykanka, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa Arbacadii, qoraal ay soo saartay waxay walaac xooggan kaga muujisay in dadka Maraykanka ah ee haysta dhalashada dalka Ruushka, in Moscow u isticmaasho inay ka caawiyaan dagaalka ay ka waddo dalka Ukraine.

“Ruushka waxaa laga yaabaa inuu diido inuu aqoonsado dadka Ruushka ah ee haysta dhalashada labaad ee Maraykanka, isla markaana uu ka hor-istaago inay adeeg ka helaan qunsuliyadaha Maraykanka, isaga oo diiddan nay dadkaasi ka dhoofaan dalka Ruushka, isagoo tallaabadaas ula jeeda inuu dadkaas u isticmaalo inay ka mid noqdaan ciidamada kaydka ah” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka.

- Advertisement -

Dawladda Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinta Maraykanku inaanay u safrin dalka Ruushka, iyaga oo u soo jeediyey qof kasta oo haatan ku sugan Ruushka, “inuu dalkaas uga soo baxo sida ugu dhakhsaha badan, xilli ay xadidan yihiin duulimaadyada ganacsi ee ka ka imanay dalkaas”.

Wasaaradda arrimaha debedda ayaa uga digtay muwaadiniinta Maraykanka ahi “inaanu dalka Ruushku masuuliyad iska saaray xuquuqda isu-soo baxyada nabadeed iyo xorriyadda hadalka” sidaas awgeed ay tahay inay ka fogaadaan dhammaan isu-soo baxyada siyaasadeed iyo kuwa bulsho, ayna ka fogaadaan inay sawiro ka qaadaan ciidamada ammaanka, xilliyada ay socdaan mudaraadadu. Ruushka ayaa hore xabsiga u dhigay muwaadiniin Maraykan ah oo ka qayb galay isu-soo baxyada ka socda dalkaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts