HomeWararGolaha Wasiirada oo ka shiray qorshaha sugida Amniga deegaanada laga qabsaday Al-shabaab

Golaha Wasiirada oo ka shiray qorshaha sugida Amniga deegaanada laga qabsaday Al-shabaab

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Shirkii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay hawl-gallada dib-u-xoraynta deegannada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab, ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanku ka gaareen howl-gallada ka socda qaybo badan oo ka mid ah goballada dalka. Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga […]

- Advertisement -

Shirkii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay hawl-gallada dib-u-xoraynta deegannada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab, ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanku ka gaareen howl-gallada ka socda qaybo badan oo ka mid ah goballada dalka.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka looga dhagaystay warbixinno ku saabsan howl-gallada guuleystay ee Al-shabaab looga xorreeyay deegaano badan, qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta magaalooyinka la xoreeyay.

- Advertisement -

Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirradu waxa ay magacaabeen Guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka Al-shabaab, waxaana wasaaradihii guddigaas ka midka ahaaa  uu maanta golohu ka dhageystay qorshayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabdka ilaa hadda ay ka sameyeen doorkooda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo Al-shabaab, isla markaana degaan kasta oo la xoreeyey la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada si deg deg ahna looga sameeyo maamul iyo kala danbayn.

Latest stories