HomeWararDFS oo Canada kala hadashay kordhinta ka Jawaabida gurmadka Deg-dega ah

DFS oo Canada kala hadashay kordhinta ka Jawaabida gurmadka Deg-dega ah

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo booqasho hawldeed ku jooga Ottawa ayaa Dowladda Canada kala hadlay sidii ay u kordhin lahayd deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha Soomaaliya. Kulan uu Ergeygu magaalada Ottawa kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Canada Harjit Sajjan ayuu si weyn ugu […]

- Advertisement -

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo booqasho hawldeed ku jooga Ottawa ayaa Dowladda Canada kala hadlay sidii ay u kordhin lahayd deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Kulan uu Ergeygu magaalada Ottawa kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Canada Harjit Sajjan ayuu si weyn ugu boorriyay muhiimadda ay dadka abaaruhu saameeyeen u leedahay in Dowladdiisu sare u qaaddo deeqda, kaalin muuqatana ka qaadato gurmadka abaaraha.

- Advertisement -

Egayga gaarka ah ayaa sidoo kale Dowladda Canada ka codsaday in ay Soomaaliya ka gacan siiso sidii Dawladaha iyo hay’adaha ay saamaynta ku leedahay iyo deeq-bixiyayaasha caalam-kaba loogu soo jeedin lahaa xaddiga abaaraha ka jira dalka, loona xoojin lahaa gurmadka.

Dhinacyadu waxa ay isla meel-dhigeen in xoogga la saaro maalgelinta mashaariicda adkaysiga iyo ka soo kabashada, lana dhiso awoodda Dawladda. Ergeyga ayaana ugu danbeyn Wasiirka la wadaagay sida loogu baahan yahay mashaariic xasillineed oo degdeg ah oo wax loogu qabto degaannada laga xoreeyey kooxaha xag jirka ah.

Socdaalka Ergeyga ayaa ku qotoma sidii uu indhaha caalamka ugu soo jeedin lahaa baaxadda abaaraha ka jira Soomaaliya, wuxuuna hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah ku wargaliyay in weli farqi weyn uu u dhaxeeyo deeqaha la ballan-qaaday iyo baahida ay qabaan dadka abaaruhu wax-yeelleeyeen.

Latest stories