HomeCaalamkaCiidamada ammaanka Hindiya oo Xabsiga dhigay dad badan oo Muslimiin ah

Ciidamada ammaanka Hindiya oo Xabsiga dhigay dad badan oo Muslimiin ah

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Ciidammada ammaanka ee waddanka Hindiya ayaa waxa ay xoog ku galeen dhismayaal ay leeyihiin koox Muslimiin caan ah, waxaana ay xabsiga u taxaabeen in ka badan boqol qof, kuwaas oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin maleeshiyaad. Howlgalladan ka dhanka ah kooxda Popular Front of India (PFI) ayaa waxaa laga fuliyay todoba gobol oo […]

- Advertisement -

Ciidammada ammaanka ee waddanka Hindiya ayaa waxa ay xoog ku galeen dhismayaal ay leeyihiin koox Muslimiin caan ah, waxaana ay xabsiga u taxaabeen in ka badan boqol qof, kuwaas oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin maleeshiyaad.

Howlgalladan ka dhanka ah kooxda Popular Front of India (PFI) ayaa waxaa laga fuliyay todoba gobol oo ku yaal waddanka Hindiya.9
Waa tallaabadii labaad ee ka dhan ah kooxdaasi oo uu boolisku qaaday muddo ka yar todobaad.
Hay’adda qaran ee baaritaannada ee Hindiya ayaa PFI waxa ay ku eedaynaysaa inay xagjir ka dhigto dhalinyarada ayna deganaanshiyo la’aan ka dhex abuurto dadka haysta diimaha kala gedisan ee dalkaasi.

- Advertisement -

Hasayeeshee taageerayaasha PFI ayaa waxa ay howgallada kooxdaasi lagu baacsanayo ku tilmaameen ugaarsi ay waddo dowladda Hinduga ee uu hogaamiyo xisbiga BJP.

PFI ayaa waxa ay sheegeen inay ka shaqeeyaan xuquuqda Muslimiinta iyo bulshooyinka kale ee la xagaldaaciyo ee ku nool Hindiya.

Latest stories