HomeWararDowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay tahriibayaal ku xannibnaa Liibiya

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay tahriibayaal ku xannibnaa Liibiya

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Xafiiska Ergayga Gaarka ee dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugusoo celiyey 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan. Dadkan ayaa kal hore kazoo baxsaday  Magafe oo ah koox ka ganacsata isla markaana ciqaaba tahriibayaasha, ka dibna yimid Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda […]

- Advertisement -

Xafiiska Ergayga Gaarka ee dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugusoo celiyey 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan.

Dadkan ayaa kal hore kazoo baxsaday  Magafe oo ah koox ka ganacsata isla markaana ciqaaba tahriibayaasha, ka dibna yimid Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan iyagoo la soo xariiray Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

- Advertisement -

Waxaa Garoonka Diyaarradaha ku soo dhaweeyay Ergeyga Gaarka ah ee Xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta Amb; Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo xubno ka mid ah Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Amb. Maryan oo dedaalkaan soo wadday Illaa iyo 2016 ayaa dalkooda ku soo celisay dhallinyaro tiro badan oo ku jiray xabsiyo kala duwan isla markaana baadi goob u gashay samo-tabixinta dhallinta ku go,doonsan daafaha caalamka, iyadoo uga mahad celisay Madaxwenaha dalka iyo Ra’iisul Wasaarah dadaalka ay galiyeen badbaadda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga Mudane Abshir Cumar Jaamac “Huruuse” oo la kulmay dhiiggiisa Liibiya ayaa kala hadlay badbaadada Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku xayirran sidii dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya waxaa ay dadaal dheer ugu jirtaa in muwaadiniinta Somaaliyeed ee xabsiyada dalalka kala duwan ku jira iyo kuwa ku dhibaateysan isla markaana ku xayiran dalalkaas in ay dalkoodu dib ugu soo celiso,ugu dambeyntii Amb. Maryan Yaasiin ayaa sheegtay in Tahriibku yahay musiibo qaran una baahan in loo helo xal waara.

Latest stories