HomeWararQatar oo si kulul u Cambaareysay Qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka...

Qatar oo si kulul u Cambaareysay Qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

War ka soo baxay dowladda Qatar ayaa si kulul loogu cambaareeyey qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday dhalinyaro loo diwaan gelinayay in ay ku biiraan ciidanka DFS si loo tababaro. Wasaaradda Arrimaha dibadda Dalka Qatar ayaa muujisay sida ay uga xuntahay uagana soo horjeedo waxa ay ugu yeertay […]

- Advertisement -

War ka soo baxay dowladda Qatar ayaa si kulul loogu cambaareeyey qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday dhalinyaro loo diwaan gelinayay in ay ku biiraan ciidanka DFS si loo tababaro.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Dalka Qatar ayaa muujisay sida ay uga xuntahay uagana soo horjeedo waxa ay ugu yeertay falalka argagixisanimada ah, iyadoo aan loo eegin ujeedooyin iyo sababo sida lagu yiri warka Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Qatar.

- Advertisement -

Dowladda Qatar ayaa uga tacsiyadaysay ehelada dadkii dhibtu soo gaartay, dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, waxaana ay u rajeysay inta dhaawacan in Alle uu bogsiiyo inta dhimatayna naxriistii janno ka waraabiyo, sidaasina waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar.

Maalintii shalay ayay ahayd markii  Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu dhexgalay dhalinyaro qoraneysay ciidanka xoogga dalka, waxaana halkaaso ka dhashay khasaare kala duwan dhimasho iyo dhaawacba leh.

Latest stories