HomeWararDowladda Soomaaliya oo Shaacisay in degaanadii ugu badnaa ay Al-Shabaab kala wareegtay

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in degaanadii ugu badnaa ay Al-Shabaab kala wareegtay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Dowladda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kala wareegtay deegaanno ku dhow labaatan oo ay ka haysatay gobollada Hiiraan, Bay iyo Galguduud, sida qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA. Warku wuxuu intaa ku daray in Al-Shabaab laga dilay 30 dagaalame. Wakaaladda oo tebisay howlgallo maanta laga sameeyay gobolka Bay ayaa sheegtay in uu ciidanku ku wajahan yahay deegaanka […]

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kala wareegtay deegaanno ku dhow labaatan oo ay ka haysatay gobollada Hiiraan, Bay iyo Galguduud, sida qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA.

Warku wuxuu intaa ku daray in Al-Shabaab laga dilay 30 dagaalame.

- Advertisement -

Wakaaladda oo tebisay howlgallo maanta laga sameeyay gobolka Bay ayaa sheegtay in uu ciidanku ku wajahan yahay deegaanka Labaatan-jirow oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee ay Al.-Shabaab ku leedahay gobolkaas.

La-wareegistaas ayaa qeyb ka ah howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka wadaan gobollada qaar.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay halka ay ku kala yaallaan deegaannadii ugu dambeeyay ee lala wareegay.

- Advertisement -

Bay: Baayale, Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame, Karanoy, Daawuudow, Saydheelow, Buulo-jadiid, Mataani, Uusli iyo Busley.

Galgaduud: Maygaag Duub, Dhisaqa, Aboorey, Dhuumaale iyo Cali Wayd.

Gobolka Hiiraan: Moqori iyo deegaanka Tardo.

Militeriga Soomaaliya oo kaashanaya maleeshiyo maxalli ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo Al-Shabaab looga saarayo deegaanno ku yaalla Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur-galbeed.

Latest stories