HomeWararCodsi uu soo gudbiyey Siciid Deni oo laga hor akhriyay Golaha Wakiillada...

Codsi uu soo gudbiyey Siciid Deni oo laga hor akhriyay Golaha Wakiillada  Puntland

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboledka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil  oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 31-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland. Fadhiga maanta oo ay  goob-joog ahaayeen  56 Mudane, waxaa Golaha laga hor akhriyey codsi  uu golaha […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboledka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil  oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 31-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland.

Fadhiga maanta oo ay  goob-joog ahaayeen  56 Mudane, waxaa Golaha laga hor akhriyey codsi  uu golaha u soo gudbiyey Madaxweynaha Puntland, kasoo ku saabsaanaa in magacaabidda, xubnaha  Garsoorayaasha Maxkamadda Sare dib loogu dhigo muddo 30 cisho ah. Waxaa codsigaas Madaxweynaha Oggolaaday  42 Mudane, waxaa diidey 6 Mudane,  halka ay ka aamuseen 8 Mudane.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiilalda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaarinta ay Maxkamadda Rafcaanku dhaarinayso mas’uuliyiinta magacaaban, arrintaas oo ka hor imanaysa 132-aad qodobka ee Dastuurka Dawladda oo sheegaya in qof kasta oo xil sare ka qabanaya Puntland ay dhaarinayso Maxkamadda Sare ee Dawlad Goboledka Puntland.

Sidaas darteed Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa faray in mas`uuliyiinta Sare ee   Puntland u hoggaansamaan  qodobka Dastuuriga ah ee kor ku xusan.

Ugu dambeyntii, Gudddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdirashiid Yuusuf Jibriill ayaa soo xiray kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Latest stories