HomeWararShil khasaaro dhaliyey oo saaka ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa

Shil khasaaro dhaliyey oo saaka ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Shil gaari ayaa saakay ka dhacay xaafada Sabaxareed ee degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kadib markii gaari nooca dheynada uu ku fariis goostay guri ku yaallay wadada laamiga ah ee gaariga marayey. Inta la xaqiijiyey laba qof oo kala ahaa darawalkii waday gaariga iyo kirashboygii la socday ayaa ku dhaawacmay shilkii […]

- Advertisement -

Shil gaari ayaa saakay ka dhacay xaafada Sabaxareed ee degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kadib markii gaari nooca dheynada uu ku fariis goostay guri ku yaallay wadada laamiga ah ee gaariga marayey.

Inta la xaqiijiyey laba qof oo kala ahaa darawalkii waday gaariga iyo kirashboygii la socday ayaa ku dhaawacmay shilkii ka dhacay Hargeysa, waxaana dhaawacyadooda la gaarsiiyey Isbitaalka Magaalada, iyada oo dhaawaca darawalka uu yahay mid culus.

- Advertisement -

Sidoo kale Ciidanka dab-demiska Hargeysa ayaa gurmad u sameeyay 8 qof oo ku xannibmay guriga uu gaariga ku fariis goostay, ma jiro khasaaro gaaray, in kastoo qeyb kamid ah uu guriga burburay, sida lagu arkayey Sawirro laga soo qaaday goobta.

Gaariga galay guriga ayaa waxaa la tilmaamay inuu xawaare sare ku socday, isla markaana darawalkii waday gaariga uu lugta la waayey Bareega, sidaasina uu ugu fariis goostay guri ku yaalla xafada Sabaxareed ee Magaalada Hargeysa.

Somaliland ayaa digniin u dirtay darawalada gaadiidka, iyagoona ku amray inay gaadiid si taxadar leh u wadaan, Somaliland ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo batay shilalka gaari.

Latest stories