HomeWararRW Xamse oo Telefoonka kula hadlay mas’uuliyiinta & Saraakiisha ku sugan furimaha...

RW Xamse oo Telefoonka kula hadlay mas’uuliyiinta & Saraakiisha ku sugan furimaha Dagaalka

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa khadka teleefoonka si gooni gooni ah ugula hadlay mas’uuliyiinta qaar ka mid ah dadka  hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka, General Odowaa Yuusuf Raage ku bogaadiyay doorkooda hoggaamineed howlgalka guuleystay ee dib-u-xoreynta dalka. […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa khadka teleefoonka si gooni gooni ah ugula hadlay mas’uuliyiinta qaar ka mid ah dadka  hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka, General Odowaa Yuusuf Raage ku bogaadiyay doorkooda hoggaamineed howlgalka guuleystay ee dib-u-xoreynta dalka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha oo ka duulaya mabaadii’da ku qotoma tiirka Dib u Xoreynta iyo Sugidda Amniga, ayaa wuxuu tallaabadan u qaaday si uu u dhiirigeliyo Ciidanka ku sugan jiidda hore ee dagaalka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha telefoonka uu kula hadlay waxa ay kala yihiin Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf al-Caddaala, Xildhibaan Maalik Cabdalla, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Guddoomiyaha degmada baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse iyo Cali Cismaan Cabdi (Cali Guud) oo ka mid ah abaanduulayaasha ciidanka deegaanka.

Waxa uu mas’uuliyiinta aan wali ku biirin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ku boorriyay inay ku daydaan mas’uuliyiinta jiidda hore jooga, doorkoodana ka qaataan garab istaagga kacdoonka dib-u-xoreynta deegaannada ku haray gacanta Shabaabka.

- Advertisement -

Xamse ayaa ballanqaaday in dowladdu ay adeegyo dowladeed oo dhammeystiran iyo gargaar deg deg ah la geyn doono dhammaan deegaannada laga xoreeyay iyo kuwa lagu xoreynayo kacdoonka socda, wuxuu shacabka dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamada xooga.

Latest stories