HomeWararRa’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Haweenka kala hadlay caqabadaha heysta

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Haweenka kala hadlay caqabadaha heysta

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salah Jama, ayaa guddomiyey kulan looga hadlaayey doorka Haweenka ay ku leeyihiin Hay’addaha Dowladda iyo caqabadaha ka haysta helista xilalka sare, kaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka. Kulankan ayaa lagu lafa guray caqabadaha ay kala kulmaan Haweenka shaqada iyo in xilal muuqda ay ka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salah Jama, ayaa guddomiyey kulan looga hadlaayey doorka Haweenka ay ku leeyihiin Hay’addaha Dowladda iyo caqabadaha ka haysta helista xilalka sare, kaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka.

Kulankan ayaa lagu lafa guray caqabadaha ay kala kulmaan Haweenka shaqada iyo in xilal muuqda ay ka qaban karaan xafiisyada dowladda, iyadoo la isla qaaday in loo baahan yahay in dhiirigalin iyo dalacsiin la siiyo dumarka dadaalka dheeraadka ah muujiya.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, ayaa xusay muhiimadda ay haweenku u leeyihiin Hay’addaha Dowladda isla markaana in ay waajib tahay in haweenka lagu dhiiri galiyo shaqooyinka dowladda, isla markaana xukuumadda Dan-Qaranna ay kor u qaadayso dhiiri galinta Haweenka ee dhinacyada shaqaalaysiinta iyo ka qayb galka siyaasadda dalka.

Kulanka waxaa goob jooga aha Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka, Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Xisaabiyaha guud ee Qaranka, Guddoomiye ku xigeenka bangiga dhexe, Agaasimaha guud ee xarunta warbixinnada maaliyadda, Agaasimayaal iyo la taliyayaal sare ee xafiisyada Dowladda.

Latest stories