HomeWararDowladda Soomaaliya oo Safaarad iyo Qunsuliyad cusub ka furaneysa Dal Carbeed

Dowladda Soomaaliya oo Safaarad iyo Qunsuliyad cusub ka furaneysa Dal Carbeed

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Haruuse ayaa shaaciyay in dowladda Federaalka ay dhawaan safaarad iyo Qunsuliyad guud ka furameyso Magaalada Dakhla ee dalka Morroco. Wasiir Abshir Cumar Haruuse oo ku sugan Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay Go’aan ku gaartay in safaarad […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Haruuse ayaa shaaciyay in dowladda Federaalka ay dhawaan safaarad iyo Qunsuliyad guud ka furameyso Magaalada Dakhla ee dalka Morroco.

Wasiir Abshir Cumar Haruuse oo ku sugan Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay Go’aan ku gaartay in safaarad ka furato magaalada Rabat iyo qunsuliyadda guud ee magaalada Dakhla.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in dowladdaha Soomaaliya iyo Morroco uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku saleysan saaxiibtinimo iyo wadajir, wuxuuna intaas kusii daray in labada dal ay kala saxiixan doonaan qorshaha Iskaashiga.

“Soomaaliya waxay go’aansatey inay safaarad ka furato Rabat iyo Qunsuliyadda guud ee Dakhla,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Haruuse.

Arrintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya kulan uu la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda, iskaashiga Afrika iyo Morroco, Nasser Bourita, oo ka qeyb galay kulanka Qaramada Midoobay.

Latest stories