HomeWararWasiir Fiqi oo Galmudug kala hadlay gulufka cusub ee lagula dagaalamayo Al-shabaab

Wasiir Fiqi oo Galmudug kala hadlay gulufka cusub ee lagula dagaalamayo Al-shabaab

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Wasiir Fiqi oo Galmudug kala hadlay gulufka cusub ee lagula dagaalamayo Al-shabaab Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Ahmed Moallim Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-Waayeel). Kulanka Wasiirka waxaa ku wehliyay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda mudane Amb […]

- Advertisement -

Wasiir Fiqi oo Galmudug kala hadlay gulufka cusub ee lagula dagaalamayo Al-shabaab

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Ahmed Moallim Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-Waayeel).

- Advertisement -

Kulanka Wasiirka waxaa ku wehliyay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda mudane Amb Cabdixakim Ashkir, Agaasimaha waaxda Federaalka ee wasaaradda, Agaasimaha waaxda Dowladaha hoose ee wasaaradda iyo Lataliyaal.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay qodobbo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka labada wasaaradood, qorshaha wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ee ku aadan federaaleynta iyo baahinta maamullada iyo dib u heshiisiinta.

Arrimaha kale ee kulanka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah gulufka cusub ee la dagaalanka argigixisada Alshabaab ee xorreynta deegaannada Galmudug iyo sida ay tahay in ay dowladda dhexe iyo hey’adaha deeqaha bixiyaba ay uga jawaabaan abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee heysta dadka iyo degaannada Galmudug.

- Advertisement -

Deegaano dhowr ah kana tirsan dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka socda howlgalo ka dhan Al-shabaab oo ay wadaan Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka iyo dadka deegaanka oo is abaabulay.

Latest stories