HomeWararTaliye Odawaa oo ka hadlay Dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb

Taliye Odawaa oo ka hadlay Dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka sino-dhaqo iyo Labidulle ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb. Taliye Odawaa oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen deegaanka sino-dhaqo oo ay ku sugnaayeen […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka sino-dhaqo iyo Labidulle ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Taliye Odawaa oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen deegaanka sino-dhaqo oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaana halkaas uu ka dhacay dagaal dhexmaray labada dhinac.

- Advertisement -

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka uu dhaliyey khasaaro oo Al-shabaab uga dileen 10 xubnood, sidoo kalena laga burburiyey meelihii ay ku sugnaayeen, waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha oo aan sheegin khasaaraha dhankooda gaaray.

Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa xusay in Ciidanka dowladda ka war heleen in nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo iyo Labidulle ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb joogaan Al-shabaab sidaas darteedna weerar ay ku qaadeen.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Mudug iyo Galmudug ayaa waxaa ka socda howlgalo ka dhan ah Al-shabaa, waxaana Goboladaas ka dhacay dagaal culus oo dhaliyey khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Latest stories