HomeWararPuntland oo ka hortimid Is-afgaradyo ay gaareen Dawladda Somalia iyo dalal shisheeye

Puntland oo ka hortimid Is-afgaradyo ay gaareen Dawladda Somalia iyo dalal shisheeye

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Maamulka Puntland ayaa kasoo horjeesatay Go’aan kasoo baxay Wasaaradda kalluumeysiga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan in sharci-darro loo aqoonsanayo Kalluumaysi aan shati ka heysan Wasaaradda Kalluumaysiga DFS. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in aad uga xun yihiin Qoraalkii kasoo baxay Shirkii dhexmaray Wasaaradda kalluumeysiga DF iyo […]

- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa kasoo horjeesatay Go’aan kasoo baxay Wasaaradda kalluumeysiga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan in sharci-darro loo aqoonsanayo Kalluumaysi aan shati ka heysan Wasaaradda Kalluumaysiga DFS.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in aad uga xun yihiin Qoraalkii kasoo baxay Shirkii dhexmaray Wasaaradda kalluumeysiga DF iyo Safiiro ee lagu sheegay in shati aan kasoo bixin Wasaaradda ay u aqoosan yihiin waxba kama jiraan.

- Advertisement -

Puntland ayaa tilmaamtay Qoraalka Wasaaradda kalluumeysiga inuu si toos ah u baalmarsan yahay heshiiyadii ka dhacay Magaalooyinka Baydbabo iyo Addis Ababa ee qeexayay hab-qeybsiga kheyraadka badda ee Soomaaliya.

“Haddii aan la xurmeynin Qodobada Dastuuriga ah ee dalka, sida tooska u faraya xaquuqaha DFS iyo Dawlad gobaleedyada, in ay ka wada xaajoodaan Kheyraadka dabiiciga ah, waxay halis ku noqonaysaa daganaanshaha Amni ee dalka, taas oo horseedi doonta Xasilooni darro siyaasadeed” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale ka hortimid Is afgaradyo ay gaareen Dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo dalalka Shisheeye oo ku jihaysan arrimaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Puntland 

Latest stories