HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh “Al-shabaab waxaan ka xoreynay Magaalooyin iyo tuulooyin”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Al-shabaab waxaan ka xoreynay Magaalooyin iyo tuulooyin”

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee gurmadka abaaraha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, dib u heshiisiinta iyo hirgelinta dowladnimada. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee gurmadka abaaraha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, dib u heshiisiinta iyo hirgelinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo salka ku haya in dalka laga xoreeyo Alshabaab, iyadoo ay iskaashanayaan shacabka iyo Ciidamada Xoogga Dalka, waxa uuna la wadaagay Madaxda Adduunka dhibaatada iyo xasuuqa argagixisadu ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey dareenka iyo baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ku wajahan in ay iska dulqaadaan, isagoo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in dagaalkan lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, shacabka Soomaaliyeedna ay u helaan xuquuqdooda aas-aasiga ah ee adeegyada dowladda iyo nolal wanaagsan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen in ay kacaan si ay u taageeraan baaqa dowladooda ee ah in ay naftooda iyo dalkooda difaacaan.  Maalmahan iyo bishii horeba, waxaan ka xoreynay Al-shabaab magaalooyin iyo tuulooyin, iyadoo howlgalladaas ay isgarab sanayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaannada, taas oo horseedday guulo waaweyn”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey qorshaha tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, saameynta isbeddelka cilimada iyo COVID-19 ay ku yeesheen dalka, mudnaanta dowladdu ay siineyso shaqo abuurka dhallinyara, kobcinta dhaqaalaha, daris-wanaagga iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah.

Latest stories