HomeWararHowlgal lagu soo qab-qabtay Dad badan oo laga sameeyay Degmooyin ka tirsan...

Howlgal lagu soo qab-qabtay Dad badan oo laga sameeyay Degmooyin ka tirsan Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgalo saacado dhowr ah qaatay waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, iyada oo howlgal lagu soo qab-qabtay dhallinyaro farabadan. Ciidamada Booliska ayaa inta uu socday howlgalka su’aalo la xiriira amniga weydiinayey dhallinyaro farabadan oo howlgalka lagu soo qab-qabtay, kuwaasi oo la […]

- Advertisement -

Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgalo saacado dhowr ah qaatay waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, iyada oo howlgal lagu soo qab-qabtay dhallinyaro farabadan.

Ciidamada Booliska ayaa inta uu socday howlgalka su’aalo la xiriira amniga weydiinayey dhallinyaro farabadan oo howlgalka lagu soo qab-qabtay, kuwaasi oo la isugu geeyay goob barxad ah, waxaana laamaha amniga ay wateen qaar kamid ah ragga la qabtay.

- Advertisement -

Sidoo kale howlgalka ayaa waxaa barbar socday baaritaano lagu sameeynayey gaadiidka dhex marayay waddooyinka xaafaddaha degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ee uu howlgalka ka socday, iyadoona meelaha qaar la hakiyey isku socodka gaadiidka.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka la sameeyay uu ahaa mid lagu doonayey in lagu xaiijiyo ammaanka Magaalada, isla markaana looga hortegayay waxyaabaha maanka dooriya.

Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo batay falalka amni darro sida dilal qorsheysan oo ay geysanayaan rag dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan iyo kooxo ciyaar weero burcad ah oo dadka dhac u geysta, kadibna dila, iyaga oo waxba galabsan.

Latest stories