HomeWararCabdikariin Guuleed “Siyaasiinta aan xillalka heyn waa inay ku biiraan dagaalka ka...

Cabdikariin Guuleed “Siyaasiinta aan xillalka heyn waa inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab”

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada maamulada Hirshabeelle iyo Galmadug. Qoraal uu soo saaray Cabdikariin Guuleed ayaa marka hore sheegay in dalka iyo dadka ay ku jiraan jiraan xilli aad u adag oo ay isku biirsadeen abaarro iyo sicir barar, […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada maamulada Hirshabeelle iyo Galmadug.

Qoraal uu soo saaray Cabdikariin Guuleed ayaa marka hore sheegay in dalka iyo dadka ay ku jiraan jiraan xilli aad u adag oo ay isku biirsadeen abaarro iyo sicir barar, xilli laga soo gudbay waqti adag oo doorasho.

- Advertisement -

Cabdikariin guuleed ayaa boggaadiyey dadweynaha deegaanada Hirshabeelle iyo Galmadug ee go’aansaday iney la dagaalamaan Al-shabaab, sidoo kale bogaadin iyo amaanba u jeediyay Ciidanka Xooga Dalka ee jiida hore ka dagaalamaya Shabaabka.

Sidoo kale Guuleed ayaa Siyaasiyiinta waaweyn ee aan xilalka heynin, ganacsatada, aqoonyahanka, qubajoogta Soomaaliyeed iyo dhammaan qeybaha bulshada ugu baaqaya in dagaalkan loo midoobo oo aan laga dhigin masuuliyad saaran cid gaar ah.

“Siyaasiyiinta waaweyn ee aan xilalka heynin, ganacsatada, aqoonyahanka, qubajoogta Soomaaliyeed iyo dhammaan qeybaha bulshada waxaan ugu baaqaya in dagaalkan loo midoobo oo aan laga dhigin masuuliyad saaran cid gaar ah. Waa lagama maarmaan ah inaan maanta muujino MIDNIMO QARAN, umaduhuna marxaladahaan oo kale waxay kaga gudbaan midnimadaas iyo isku duubnidaas” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Latest stories