HomeWararMareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn diyaaradeed uu ka fuliyey Gobolka Hiiraan

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn diyaaradeed uu ka fuliyey Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn diyaaradeed oo 18-kii September ka geysteen Gobolka Hiiraan  gaar ahaan degaan ku dhow degmada Buulo-burde oo deegaano hoostaga ay ka dhaceen dagaalo. Qoraal kasoo baxaya Taliska Ciidanka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn diyaaradeed oo 18-kii September ka geysteen Gobolka Hiiraan  gaar ahaan degaan ku dhow degmada Buulo-burde oo deegaano hoostaga ay ka dhaceen dagaalo.

Qoraal kasoo baxaya Taliska Ciidanka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo ku sugnaa degaan ku dhow degmada Buulo-burde, isla markaana duqeynta uu ka dhashay khasaaro.

- Advertisement -

Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay ku dileen 27 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen, iyagoona intaas kusii daray in howlgalka aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah, sida ay sheegeen.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa Qoraalka uu soo saaray ku xusay in duqeynta laga fuliyey Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ay aheyd Codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya.

Duqeynta ayaa kusoo aadeysa, iyada oo Ciidanka dowladda Federaalka iyo kooxda Macwiileyda ah ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolada Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo khasaaro badan dhaliyey.

Latest stories