HomeWararGuddoomiye Madaale “Ma aqbalayno Muqdisho inay noqoto magaalo Fasahaad ah”

Guddoomiye Madaale “Ma aqbalayno Muqdisho inay noqoto magaalo Fasahaad ah”

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay howlgalo saacado dhowr ah qaatay oo laamaha ammaanka ka sameeyeen gudaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Guddoomiye Madaale oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagula dagaalamayey Ciyaal weerada burcada ah iyo waxybaanaha maanka […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay howlgalo saacado dhowr ah qaatay oo laamaha ammaanka ka sameeyeen gudaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagula dagaalamayey Ciyaal weerada burcada ah iyo waxybaanaha maanka dooriya, iyadoona howlgalka lagu soo qab-qabtay dad isticmaalayay maandooriyaha.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in laamaha amniga ay Isgoyska Fagax ee Muqdisho ugu tageen dad ka gaacsanayay Calaqa iyo Xashiishka, isla markaana la qabtay, sidoo kalena Ciidamada ay burburiyeen goobihii lagu iibinaayey.

Yuusuf Madaale ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in caasimadda Muqdisho ay  noqoto magaalo Fasahaad ah, wuxuuna intaas kusii daray in Go’aano tallaabooyin looga qaadayo Ciyaal weerada uu Maamulka Gobolka gaari doono.

“Ma aqbalayno magaaladaan inay noqoto magaalo Fasahaad Ciyaal weero iyo Maandooriye go’aan adag baa inooga yaalla, waxaa nasiib ah inaan burburinnay goobihii Calaqa iyo Xashiishka lagu iibinaayey” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka.

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayey waxybaanaha maanka dooriya iyo kooxo Ciyaal weero ah oo dadka dhac u geysta, kadibna dila, waxaana arrintaas Maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay inay wax ka qaban doonaan.

Latest stories